
Sirta ku qarsoon waa!
Diinta Islaamku waa diintii dhamaan anbiyadii hore inta Alle Qur'aanka kaga sheekeeyey iyo in aan la inoo sheeginba waxaa la gaarsiiyaa inay jireen illaa 120 kun oo nebi Calayhimu salaam, Ummadihii hore mar walba oo ay Diinta bedelaan ama is dooriyaan waxa uu Allaah usoo diri jirey Nebi diinta u jadiidiya, Laakiin nasiin wanaag waxay ummatu Muxamed u heshay in uu Allaah iyaga dhexdooda kasoo saaro mid bidcada khuraafada iyo dhaqan xumada kala dagaalama. Dad la caabudo iyo!
Bidco Diinta lagu biirsho!
Walaalayaal waxaan Allaaha awooda badan weydiisanaynaa inuu inoo soo saaro mid diinta inoo ifiya oo bidcad iyo waxa lagu daray ka saara, Xiligan oo ah waqti ay muslimiintii noqdeen sidii Xunbada daadxoorta iyo inaan cid walba oo inoo yeerata dab kacno.
Waxaa xaqiiqo ah in nimanka Nasaarada (Maxcatablayaasha) ama Saliibiyiinta ay Diintii Daahirka ahayd ee Nebi Ciise
lagu soo dejiyey iyo Kitaabkii INJIIL ay kaga ciyaareen Yuhuudo.
Maanatana duulku sharku kama dhamaado e waxay usoo dhigteen inay Diintii Nebi Muxamed
Shiicanimo ku beeraan, kadibna ay kasii dhalato Suufiyadu!
Akhri walaalkayoow oo raadi Sheekada Abdullah ibn Saba waa aasaasihii Shiicada.Ka feejignoow
oo iska Jir
Sirta baa ka dhexaysa


| Saliibiyadda Maxaa isu ekaysiiyey oo ka simay culimo la caabudo! | ![]() |
Qiso yar:
Waxaa la weriyay in nin Soomaali ah iyo nin Talyaani ah ay gaari wada raaceen kadibna jid raf ah lasoo maray gaarigii baa ku sigtay inuu gadoomo, markaas baa naxdintii ninkii Soomaaliga ahaa yiri ama ku dhawaaqay yaa Shiikh Cabdulqaadiroow kii Talyaaniga ahaana wuxuu ku dhawaaqay yaa Ciisoow! (oh Jesus) Wax yar kadib markii Allaah badbaadiyey baa midna wuxuu yiri waxaa ina badbaadiyey Sh C/Qaadir kii Kalena wuxuu yiri waxaa ina badbaadiyey Ciise, -Calayhi salaam-. Muran dheer kadib iyo cidii badbaadisay waxaaa la is waydiiyey muxuu yahay Ciise muxuuse yahay Sh C/Caaqir.
Kii muslimka ahaa wuxuu yiri Sh C/Qaadir waa weli Alle iyo nin Alle caabud ahaa. Kii Talyaaniga ahaana wuxuu yiri Ciise waa Nebi Allaah soo diray waana wiilkii Alle – waa sida ay iyagu aaminsan yihiin-.
Kadibna waxaa lagu soo af jaray murankii yaa fadli badan Nebiga Alle iyo Shiikha? halkaas baa gaalkii Suufigii kaga kaga guul iyo xujjo helay.
Suufiyadu waa Qaabka ama Jidka ugu badan ee ay maanta muslimiintu ku dhaqmaan, una haystaan in Alle loogu dhowaado ama ku caabudaan ma jiro minin ama magaalo ka tirsan caalamka Islaamka illaa waad ka helaysaa, marka aan leenahay Suufiyo ma kala soocayno dariiqooyinka kala duwan ee dhamaantood ku kulma Suufinimada.

Suufiyada Shiicada iyo
Saliibiyadda sir baa
ku dhex qarsoon!
Islaamka Bidcadu boos kuma laha

Qaadiriyo ha ahaato ama Saalixiya ama Axmediya lama soo koobi karo tiradooda boqolaal bayna kor u dhaafeen sida Shaadaliya Rafaaciya Shamanqandiya iwm, dhamaantood waa dariiqooyn hoos yimaada magaca Guud ee Suufiyada.
Waxaa hubaal ah oo aan wax yar oo shaki ahi ku jirin in Allaah uu muslimiinta u jideeyey sidii ay Allaah u caabudi lahaayeen, Rasuulkuna inoo cadeeyey oo aan meeli inooga banaanayn inaan Diintaan wax ku darsano.
Waxaadse arkaysaa in maanta ay dadkii dad iyaga la mid ah caabudeen saas markaan leenahay halla yaabin waayo wuxuu Alle Quraankiisa inoogu ifiyey in Qof walbi uu caabuday ciddii uu adeeco aa uu sharciga iyo Xukunka ka qaato.
Miyaan walaalkayoow Alle Quraankiisa ku oran markii uu ka hadlaayey Culimada Yahuuda iyo kuwa Nassarada:
ÇÊøóÎóÐõæÇú ÃóÍúÈóÇÑóåõãú æóÑõåúÈóÇäóåõãú ÃóÑúÈóÇÈðÇ ãøöä Ïõæäö Çááøåö æóÇáúãóÓöíÍó ÇÈúäó ãóÑúíóãó æóãóÇ ÃõãöÑõæÇú ÅöáÇøó áöíóÚúÈõÏõæÇú ÅöáóÜåðÇ æóÇÍöÏðÇ áÇøó ÅöáóÜåó ÅöáÇøó åõæó ÓõÈúÍóÇäóåõ ÚóãøóÇ íõÔúÑößõæäó
Macnaha aayadda wuxuu noqonayaa:
Waxay culimadoodii ka yeesheen iyo Nebi Ciiseba ilaahyo ay caabudaan Alle sokadiisa, lamana amrin wax kale inay Alle keliya caabudaan ma ahee.
Suuradda Attawba 9:31
Markuu sidaas maqlay Alle raali noqdee Cabdullaahi bin salaam wuxuu yiri yaa Rasuulallaah kama aysan dhigan ilaahyo ay caabudaan, wuxuu ugu jawaabay rasuulkii Alle salallaahu calayhi wasalam miyaysan shay xaaraam ka ahaa u xalaalayn, wuxuu yiri cabdullaahi haa, wuxuu kaloo yiri rasuulkii salallaahu caslayhi wasalam miyaysan shay xalaal u ahaa ka xaaraantimayn, wuxuu yiri C/laahi haa!
Rasuulkii Alle nabad gelyo iyo naxariis fara badan korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri waa taas cibaadada ay Culimadooda caabudeen.
Walaalkayga muslimka ahoow miyaanad iiga markhaanti kicin in ay dad badani maanta Culimadooda, Cuqaashooda iyo Madaxdooda caabudeen, kadib markii talada duulkaas ay ka hor mariyeen amarkii Allaah!
Dhaqanka ay ka siman yihiin waa Mayt la baryo, qabuuro la dawaafo iyo kaba naxdin badane in mar marka qaarkood dad xaaladooda Alle keliyi og yahay ama awliyo ha ahaadeen ama yaysan ahaane in la denbi dhaaf waydiisto, messhii Allaah ku amaanay mu'miniinta inay walaalahoodii hore waa Muhaajiriin iyo Ansaar e inay Allaah u weydiiyaan inuu u denbi dhaafo.
Wuxuu yiri Allaah:
æóÇáøóÐöíäó ÌóÇÄõæÇ ãöä ÈóÚúÏöåöãú íóÞõæáõæäó ÑóÈøóäóÇ ÇÛúÝöÑú áóäóÇ æóáöÅöÎúæóÇäöäóÇ ÇáøóÐöíäó ÓóÈóÞõæäóÇ ÈöÇáúÅöíãóÇäö æóáóÇ ÊóÌúÚóáú Ýöí ÞõáõæÈöäóÇ ÛöáøðÇ áøöáøóÐöíäó ÂãóäõæÇ ÑóÈøóäóÇ Åöäøóßó ÑóÄõæÝñ ÑøóÍöíãñ
Haddii walaalihii Allaah uga markhaanti kacay wanaag iyo diinta oo ay u gargaareen la yiri haloo denbidhaaf dalbo bal walaalkayooy ka waran cid aan Allaah iyo nebi midkoodna u markhaanti kicin in iyaga la baryo!
Walaal Xasuuso mar walba Weliga koowaad ee ummada Nebi Muxamed
inuu ahaa Abuu bakar Assidiiq waa ninkii koowaad ee muslimay ahaana 10ka Jannada loogu bishaareeyey kooda koowaad inuu yiri:
"Haddii Jannada la ii geliyo Midigta weli ma hubo inay Jannada Bidixdaydu soo gelayso"
Cajiib ragna maanta waxay sheegteen inay furaha Jannada ku siin karaan Denbigaaga oo dhanna dhaafi karaan!
Waxaad kaloo Xasuusataa Cumar bin Alkhadaab oo ahaa wasiirkii labaad ee Rasuulka
iyo Khaliifkiisii labaad uu isaguna isaga oo naftiisa u baqaaya:
inuu waydiin jiray Xudayfa oo ahaa Sir hayihii Rasuulka
in magiciisa lagu daray liiska Munaafiqiinta.
Waxaad la wada socotaan in manta uu professor Hashin uu ku xukuman yahay dil kadib markii uu yiri Culimada Shiicadu waxay la mid yihiin Culimada Orthodoxka ee macatablayaasha, waa raga sheegtay inay leeyihiin awooda denbi dhaafka, miyaanay Suufiyada Shiicada iyo Saliibiyadu is shaabihin
Allaa Xumaan oo dhami ka nasahan tahay e ma cid aan isaga ahayn baa denbi dhaafka iska leh, Maya wallaahi.
