Allaa mahad leh ina siiyey Mowsimyo ama waqtiyo kala duwan duwan oo aam Allaah xusno ama u cibaadaysano.
Waqti waa Salaadii midna waa Xajkii
Midna Soomkii waqti kalena waa Sekadii iyo Sadaqadii!
Haddaba waxaa nasiib xun qofka ka qada cibaadooyinkaas Allaah inooga dhigay waqtiyo kala duwan duwan si aanaan ugu daalin.
Allaahumma lahalxamdu, Alloow adigaa mahad dhamaanteed leh!
Walaal Rasuulkii Alle
Waxa uu aad u amaanay inaguna booriyey inaan Soonka badinno.
Waxay tiri Ummal Mu'miniin Caa'sha Alle haka raali noqdee inaysan arag bil uu ka soon badnaa Shacbaan oo aan Ramadaan ka ahayn
Waxa marka wanaagsan in 15 u horeeya Shacbaan soonka la badiyo laakiin Nuska danbe Nebigu
waa diiday Soonkeeda illaa qof uu u socday soon u Caado ahaa sida Isniinta iyo Khamiista ama Ayaamul Bayd iwm.
Walaalahayga Muslimiinta ahoow aan ka faa'iidaysano Shacbaan, Ramadaanna aan isu diyaarino si Allaah Cadaabkiisa inooga ilaaliyo.
Muslimiinta haloo duceeyo waan wada ognahay xaalada ay ku jiraan ummadda islaamku
Alloow Muslimiinta diintooda kusoo celi
Alloow Cabsidaada iyo Cibaado suuban ku arzuq
Alloow Caradaada naga kor qaad
Alloow Naxariistaada iyo Nasrigaaga noo soo rog!
Aamiin Aamiin Aamiin
Walaal waxaad ogaataa in Shacbaan uu ku jiro habeenka uu Allaah adoomadiisa dhamaantood u denbi dhaafo illaa (مشرك) qof gaala iyo laba qof oo isu caraysan ma ahee!
Allaah ha inoo denbi dhaafee u fiirso qofyahow Muslimka ahi dhibaatada ay leedahay dadka isu caraysan waxaa lala simay gaaladii.