Ramadaan Kariim!

Allaa Mahad oo dhami u sugnaatay ina waafajiyey ama inoo qadaray inaan mar kale la kulano munaasabada weyn ee Allaah ugu naxaristay Adoomadadiisa intii ka faa'iidaysata. Muslinoow waxaad ogtahay inay dadkii u qaybsameen RAMADAANKA dhexdiisa illaa 3 qaybood:

Sidaa awgeed qofkii Allaah u fududeeyo inuu bishan cibaadaysto ha xisaabsado in Alle u laba laabayo ajarka acmaasha uu samayyo. Muslinoow waxaan ku xasuusinayaa in sida Alle Dhulka qaar uga dootay waa sida Sadexda masaajid e [Makka Madina Al Aqsa] Qarniyadana qaar uga doortay sida Qarnigii Nebigu noolaa nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, Maalmaha isbuucana mid uga doortay waa Jimcaha e, Maalmaha sanadka qaar uga doortay waa 10ka dul xijja e Habeenada mid uga doortay waa Laylatul qadriga e buu Allaah Sareeye bilaha wuxuu ka doortay bisha Barakaysan ee Ramadaan, ee Cibaado kaga faa'iidayso walaalka muslimka ahoow.
Xafid Acmaashan Alle hakuu naxariistee:





SOONKA SOONKA SOONKA SOONKA
Soonka sida aan wada ognahay waa rukni ka mid ah arkaanta islaamka waa cibaado aad u weyn ummadihii oo dhanna Allaah u jideeyey, si ay cabsi iyo Alle jecaylba u kasbadaan.
Soonku waa qaab iyo habayn sida aad wax u cunayso iyo inaad ka duwanaato Xayawaanka iyo bahaa'imta qofyahoow Muslimka ahi Gaaladii baa maanta soomaysa si ay u gaaraan wanaaga iyo qaab maamuleedka Cunto ee ku jira.
Bal walaalakayoow ila milicso wax yar Sheekadii Gaalkii Gaandi ahaa weliba dadka aan Alle rumaysnayni kala fog waxaana ugu daran Mushrikiinta iyo Majuusida kuwaas buuna ka mid ahaa laakiinse wuxuu maanta masal u noqday iyo mid ay ku daydaan dad badan oo Aduunka ku nool iyo Hindida dhamantood.
Gaandi wuxuu sameeyey arin aad u layaab badan, wuxuuna dadkiisii gaarsiiyey xornimo iyo gobanimo waqti dhamaan dalalkii la gumaystay ay gumaysi gacantiisii ku jiraan waxayna ka xornimo qaateen gumaystihii Aduunka ugu waynaa waa Ingiriiska e. Muxuu ahaa arinkaasi wuxuu diiday inuu cuno cunto lagu soo farsmeeyey dalka ingiriiska, wuxuu bilaabay soon iyo inuu 24kii saacba mar keliya koob caano ah cabbo, dadkii baa ku dayday Gumaysigii ingiriiskana arintaasi waxay ku noqotay dharbaaxo iyo dhib aad u wayn.
Sidee buu Soonkii Gaandi dhib u baday Dawladii Aduunka waqtigaas ugu xooga badnayd? Maxaase ku khasbay inuu arintaas darteed dawlada India inuu xornimo siiyo iyada oo ahayd meelihii uu aad ugu liibaanay markii uu qabsaday?
Wershedaha Ingriiska iyo waxsoosaarkiisuba wuxuu aad ugu tiirsanaa inuu dib ugu iib geeyo wixii uu farsameeyey malaayiintii hindida ahaydse waxay diideen inay cunaan wax ingiriiska ka yimi xattaa waxay diideen in ay cusbo England laga keenay wax ku dhanaansadaan.
Taasi markii ay dhacday walaalkayga muslimka ahoow Ingiriiskii wershedihiisii waa xirmeen dadkiisiina shaqo la'aan baa ku dhacday, caddaan shaqo waayeyna waad taqaaniin waxay xaaladoodu noqotay inay xayraan iyo shaqo la'aan ku ku habsato.
Waxay dadkii Ingiriisku ku kaceen dawladoodii si ay u xaliso cunaqabataynta ka soo jeeda india iyo badeecada ku baartay.
Walaalahayga Islaamka ahoow waxaa layaab leh sida uu soonkii nin Gaal ahi Aduunkii u bedelay dadkiisiina Guul iyo Gobanimo u gaarsiiyey inagase xaalkeena ka waran Maanta Muslimiintu waa Milyaar ama kor bay u dhaafeen Soonkoodiise waxba waa bedeli la'yahay, dayaca iyo darxumada inna haysatana waad wada aragtaan!
Waxaan Su'aashaas Jawaabteeeda u dhaafayaa Akhristaha.