![]() |
![]() Waxa Rasuulkii Suubanaa ![]() Inoo Sheegay markuu yiri: Waxaa la ii soo bixiyey (diray) Si aan Akhlaaqda wanaagsan u dhamays tiro! |
![]() |
Savesomalia.Org
Savesomalia.Com
Savesomalia.Net
Qof yahow muslimka ahi Islaamka ma waxaad u tahay tilmaan wanaagsan oo dadka soo jiidata mise waxaad ku tahay Caqabad dadka diinta ka hor taagan?
Markaan saas leenahay waxaad ogaataa walaalka muslimka ahoow in Allaah markuu Munaafiqiinta ka sheekeeyeey Sharkooda si aan uga digtonaano Calaamadahoodan isaga dhawrno wuxuu ku sifeeyey inay dadka diinta ka hor taagan yihiin!

Waxaa wax laga cabsado ah waa ciddii rejjo ka hayso inay Diintoodu u badbaado e, in ay dadka qaarkiis iyagoo Islaam jecaylku qalbigooda ka buuxo haddana aysan ogayn waxa ay samaynayaan iyo sida ay Alle u caabudayaan.
Mudnaanta kowaad waxaa leh inaad qof yahow Muslimka ahi naftaada Xisaabiso intaadan dadka kale ceebohooda iyo nusqantooda raac raacin, taasina waa mid maanta aad dhecdeene ugu fara badan.
Muslimiintii hore waxay waqti aad u yar iyo nus qarni Aduunka ugu qabsadeen meeshii ay maraan waxa ay ahaan jirtey meel hogoli ka da'day raxmadina ay soo martay bal dhinaca bari iyo Indonisia ama Malaysia ila milicso, waa wadanka Aduunka ay Muslimiintu ugu tiro badan yihiin waxay gaaraan 250 Milyan oo shacab ah 225 ka mid ahi ay muslimiinyihiin 25ka soo harayna beryahan baa la gaalaysiyey.
Halkaas markii ay muslimiintu gaareen ma ahayn dad dagal iyo seef loola tegay waxa keliya oo gaaray waxa ay haayeen Muslimiin ganacsato ah, Markii la arkay amaanadooda edebtooda runtooda lebiskooda bay la yaabeen kadibna waxay usoo tartameen gelitaanka Diinta Islaamaka!
Walaalka Muslimka ahoow ka waran Garnacsatada Muslimiinta ee maanta iyo sida qishka iyo khayaamadu dhexdoda ugu badatay kase waran Dadka maanta Dibeda iyo Qurbaga ama Qarbiga inoo aaday iyo sida ay beenta in lagu hadlo iska dhaafoo baalasha iyo waraaqaha looga buuxiyey, loogu dhaartay Maxkamadaha hortoodana looga dooday, Alle baa xaalka iyo xaqiiqdaba og.
Waqtigan aan ku jiro aad bay muslimiintu u dhibataysan yihiin Aqoon darada iyagaa ugu horeeya Aduunka, Gaajadu ka daran, Dagaal ha sheegin, dhaqan xumo wsarkeeda daa!
Walaalkayoow aan dadaalo nafteenna aan ka bilawno illaa aan dhaqankeena hagajino Alle waxa uu inoo sheegay inuusan xaaladeena bedelayn, ama aysan hagaagayn.

Alle Dad ma bedelo xalad ay ku sugan yihin illaa ay iyagu iska bedelaan
Haddii Alle qolo dhib la doonona ma jiraan cid ka celin karta
Alle sokadiisana ma jirto cid u wax ka celin karta